WARARKA SOOMAALI

Puntland oo qaadacday Go’aanka DFS ku xireyso TIKTOK iyo aalado kale

Maamulka Puntland ayaa ka horyimid Go’aankii maalmo kahor ku dhawaaqday dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku sheegtay inay ku xireyso gebi ahaan baraha Tiktok, Telegram iyo 1Xbet oo ay aad u isticmaalan dhalliniyada.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in aysan Puntland waxba ka khusayn go’aanka kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee fadhigeydu yahay Muqdisho.

Wasiirka ayaa tilmaamay in aysan fulin karin shirkadaha Isgaarsiinta ka jira deegaanada Maamulka Puntland amarka kasoo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknaloojiyada Xukuumadda Soomaaliya oo ay ku xireyso baraha Tiktok, Telegram iyo 1Xbet.

Sidoo kale Maxamuud Caydiid Dirir ayaa caddeeyay in barahan bulshada ay sidoodii uga shaqeenayaan deegaannada Puntland, isagoo intaas kusii daray in dhawaan ay soo saari doonaan xeer lagu xakameynayo baraha Bulshada.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli xukuumadda Soomaaliya shaacisay in 24-ka bishan la xirayo baraha bulshada ee aadka u isticmaalaan dhallinta ee kala ah  Tiktok, Telegram iyo 1Xbet.

Puntland oo qaadacday Go’aanka DFS ku xireyso TIKTOK iyo aalado kale
To Top