Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay guddiga qabanaya doorashada Aqalka sare.
Guddooomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban shan xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland.
Madaxweyne Saciid Cabdullaah8 Deni ayaa xalay soo saaray liiska xubnaha u sharraxan Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland.
Doorashada xubnaha Aqalka sare ayaa lagu wadaa in ay maalinta berri ah ka qabsoonto Puntland, waxaana Guddiga la magacaabay la kulmi doonaan Madaxweyne Deni, si looga wada hadalo doorashada dhaceysa.
Maamulka Puntland ayaa noqonayaa maamukii saddexaad ee qabta doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana weli harsan Galmudug iyo Hirshabeelle.