WARARKA SOOMAALI

Puntland oo maanta joojisay banaanbax lagu tageeri lahaa Madaxweyne Farmaajo.

Boosaaso (HM) – Wararka naga soo gaadhaya maanta Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay joojiyeen dibad-bax la doonayey inuu maanta ka dhaco gudaha magaaladaasi, kaas oo lagu taageeri lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Ciidamada Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay kala eryeen tiro dad ah oo u badan haween, kuwaas oo qorsheynayey inay qaban-qaabiyaan dibad-baxaasi lagu tageerayo hadalka Madaxweynaha.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Puntland is hortaaga ugu sameysay qabsoomida banaan-baxan laga abuulayey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan dibad-baxaasi ay ka hortageen ciidamada ammaanka.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo weli halkiisii uu yahay khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo saameeyey xiriirka labada dhinac.

Shalay ayey sidoo kale aheyd markii dibad-baxyo ballaadhan oo lagu taageerayey hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ku aadanaa arrinta maqaamka magaalada Muqdisho uu ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top