WARARKA SOOMAALI

Puntland oo ku dhawaaqday in aysan aqbali doonin natiijada kasoo baxda Shirka Jabuuti-Video

Garoowe (HM)- Puntland ayaa ku dhawaaqday in aysan aqbali doonin go’aanada kasoo baxa shirka dalka Jabuuti uga furmay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, sidda uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo Isniinta maanta ah ka hadlay furitaanka kalfadhiga 46aad ee baarlamaanka maamlka isku cimaamaday Hooyada Federaalka Soomaaliya ee Puntland ayaa sababta ku sheegay in aan laga qeybgelin maadaama Somaliland kala dhaxeeya khilaaf dhuleed sida uu hadalka u dhigay Deni.

“Sidda aan horey u caddeynay Puntland waxay soo dhaweyneysaa wax kasta oo wax u dhimeynin madax-banaanida iyo xuduudaha dowladda Puntland,” ayuu yidhi. “Waxaan caddeyneynaa in aan marna ogolaan doonin natiijo kasoo baxda wadahadal lala galo Somaliland ee Puntland aysan qayb ka ahayn”. ayuu raaciyey hadalkiisa Deni.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa hadalkiisa ku daray “Puntland waxaa kala dhaxeeya maamulka Somaliland khilaaf dhuleed taasoo u baahan in aan ka gaadhno xal waara, si looga fogaado colaad jiitanka oo dhiig badan ku daato”.

Sida aan wararka ku helayno Puntland ayaa Dowladda Federaalka waxay dalabyo ay ku doonayso in shirka laga qayb galiyo u dirtay dhowr jeer balse Dowladda Soomaaliya dhag jalaq umay siin dalabyada ka imaanaya maamulka Puntland oo isaga khilaaf daba dheeraday uu kala dhaxeeyo Dowladda.

Maamulada Soomaliland iyo Puntland ayaa marar badan ku dagaalamay xuuduudaha bari ee Gobalada Sool iyo Sanaag, deegaanadaas oo midba dhankiisa uu ka sheegto inay maamul ahaan hoos tagaan in kastoo dadka deegaanada ku dhaqan aysan aragtidaa la qabin labada maamul.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top