Garowe (HM) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa saaka xil muhiim ah u magacaabay mas’uul horay uga tirsanaa maamulka Somaliland, kaas oo dhawaan u soo goostay dhinaca dowlad goboleedka Puntland.
Deni ayaa Cali Xuseen Maxamed u magacaabay guddoomiyaha gobolka Sanaag, iyadoona ku xigeenkiisa loo magacaabay Jaamac Cabdullaahi Cali, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Cali Xuseen Maxamed ayaa horay u ahaa guddoomiyaha degmada Badhan gobolka Sanaag ee Somaliland, balse waxa uu dhawaan ku soo biiray maamulka Puntland.
Halkan hoose ka aqriso:
Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay guddoomiyeyaasha iyo ku xigeenada gobolka Sanaag.
Madaxweynaha maamulka Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.
Wuxuu xeeriyay:
Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag.
Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Somaliland iyo Puntland waxaa ka dhexeeya muran xoogan, kuwaas oo isku haya maamulka qeybo ka mid ah gobollada Sanaag iyo Sool ee waqooyiga Soomaaliya.
Labadaani maamul oo daris ah ayaa sidoo kale marar badan ku dagaalamay gobolladaasi oo ay weli isku hor fadhiyaan Ciidamadooda.