Muqdisho (HM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ka baxay magaalada Boosaaso ay ku wajahan yihiin deegaanada buuraleyda ah, halkaasoo ay ku dagaalamayaan Al-Shabaab iyo Daacish.
Sida wararku sheegayaan Ciidamada Puntland ayaa ku wajahan deegaanka Ceelka Miiraale iyo deegaanada kale ee Buuraleyda Golis oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dagaalamayeen Al-Shabaab iyo Daacish.
Xiisad u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weli ka taagan Buuraha Golis iyo Calmadow, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay dagaalo goos goos ku dhex marayay deegaanada qaar.
Labada dhinac ayaa isku haya awoodda Buuraha Gobolka Bari, waxaana la sheegayaa in dagaaladii u dambeeyay ee dhex maray uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
