WARARKA SOOMAALI

Puntland Deni oo ku baaqay shirweyne ka hor doorashada Soomaaliya 2020-2021-Akhriso

Garoowe (HM) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga 46-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka.

Ugu horreyn Siciid Deni ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya inay gacan bidixineyso doorashooyinkaasi, si ay u sameysato muddo kororsi hor leh.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dano siyaasadeed ka leedahay sharciga doorashooyinka ee la meel-mariyey, wuxuuna ka dalbaday golaha wakiilada maamulka Puntland inay gabi-ahaan laalaan sharcigaasi, maadaama aan laga talo-gelin sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay saamileyda siyaasadda  inay isugu yimaadaan shirweyne balaadhan, si looga tashado aayaha dalka iyo sida loo wajahayo hanaanka doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka.

Deni ayaa sidoo kale carabka ku goday in dowladda Soomaaliya ay diiday gogol u dhigay si wada-hadal loogu dhameeyo khilaafaadka hadda jira.

Ugu dambeyn Deni oo soo hadal qaaday shirka wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socda dalka jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo shaaciyey in Puntand aysan qeyb ka aheyn shirkaasi, islamarkaana aysan aqoonsan doonin wixii ka soo baxda.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top