WARARKA SOOMAALI

Nin dil ka geystay Degmo ka tirsan Magaalada Muqisho oo gacanta lagu soo dhigay

Ciidanka amniga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay gacanta kusoo dhigay Nin shalay magaalada Muqdisho ku dilay Nin ka shaqeynayey nootaayo ku taalla degmada Dharkeenley.

Ciidanka howlgalo ka sameeyay xaafaddaha kala duwan ee Dharkeenley ayaa ugu danbeyn gacanta kusoo dhigay Nin lagu tuhnayo inuu geystay dilka dilka marxuum Axmed Faarax Kaariye.

Laamaha amniga ayaa ninka eedeysanaha xiray, waxaana loo gudbiyay xarunta CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo, sida aan kasoo xigatay saraakiil amni.

Ciidamadda amaanka ayaa sidoo kale howlgalka kusoo qabtay rag burcad ah oo ku hubeysnaa Mindiyo iyo mootooyin ay wateen, kuwaasoo lala xiriiriyay falal burcadnimo oo ka dhacay degmadaasi.

Nin dil ka geystay Degmo ka tirsan Magaalada Muqisho oo gacanta lagu soo dhigay
To Top