WARARKA SOOMAALI

Nabadoon lagu dilay Magaalada Muqdisho & Faah faahin laga helay

Kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ayaa xalay xaafadda Suuq Boocle ee magaalada Muqdisho ku dilay Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Muxyadiin Axmed Cumar, kaasi oo kamid ahaa Nabadoonada sida weyn looga yaqaanay Dharkeenley.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in nabadoonka la toogtay, xilli uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaallay xaafadda Suuq Boocle ee degmada Dharkeenley, waxaana durbadii goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay dilkaas.

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa sida caadada ah gaaray goobta uu ka dhacay dilkan, iyagoo halkaas ka sameeyey baaritaano, inkastoo aan la sheegin cid ay dilkaas u soo xireen.

Nabadoonka la dilay ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, lamana garanayo sababta iyo cida ka dambeysay dilkiisa inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-Shabaab.

Nabadoon lagu dilay Magaalada Muqdisho & Faah faahin laga helay
To Top