WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo u safray Uganda, xilli uu dalka ku jiro xaalad adag oo Dagaal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Uganda.

Ma cadda ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku aaday Uganda, xilli uu dalka ku jiro dagaal adag oo ka dhan ah Al-shabaab, sidoo kale lama oga waxyaabaha uu Madaxweynaha waddankaas kala hadli doono.

Ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii dowladaha bariga Afrika uga codsan laheyd in gacan laga siiyo xasilinta dalka iyo dagaalka socda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmo kahor la kulmay Golaha Wasiirrada ayaa ka codsaday in shaqada ugu badan ee Xukuumadda laga dhigo dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Ciidamada ugu badan ee ATMIS ayaa ah Uganda, waxaana howlgalka midowga Afrika la dhaliilayay dowrka ay ku leeyihiin dagaallada ka socda Soomaaliya.

MW Xasan Sheekh oo u safray Uganda, xilli uu dalka ku jiro xaalad adag oo Dagaal
To Top