WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo kulan Deg-deg isugu yeeray Guddoonka Golaha Shacabka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan deg-deg ah isugu yeeray guddiga joogtada ee Golaha Shacabka iyo Guddoonka Golahaasi ee Baarlamaanka Federaalka.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Guddoonka Golaha shacabka uu aqbalay kulanka, isla markaana fiidka caawa uu ka qabsoomi doono Xarunta Madaxtooyada

Kulanka ayaa sida ay xogaha ay tilmaamayaan looga hadli doonaa doodda ka taagan ammaanka iyo xasaanada Xildlhibaanada Baarlamaanka, xilli kulankii shalay ee Golaha ay hareysay dooda amniga dalka.

Kulankaan uu Madaxweynaha isugu yeeray guddiga joogtada ee Golaha Shacabka iyo Guddoonka ayaa waxaa uu daba socdaa mooshino dhowr ah oo maalmihii lasoo dhaafay ay qoreen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Si kastaba,  shalay ayey aheyd markii Illaa 22 xildhibaan ay saxiixeen mooshin ku saabsan xaaladda amniga dalka, kuwaas oo ku dooday inay muhiim tahay in laga hadlo amniga dalka, waxaana ogolaatay 44 xildhibaan in mooshinkaas laga doodo.

 

MW Xasan Sheekh oo kulan Deg-deg isugu yeeray Guddoonka Golaha Shacabka
To Top