WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo ka Warbixiyey howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee socda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee gurmadka abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo salka ku haya in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo Ciidamada Xoogga Dalka, waxa uuna la wadaagay Madaxda Adduunka dhibaatada iyo xasuuqa argagixisadu ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey dareenka iyo baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan in ay iska dulqaadaan cadowga caadeystay daadinta dhiiggooda, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalkan lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, shacabka Soomaaliyeedna ay u helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan si ay u taageeraan baaqa dowladooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda ka difaacaan dhagarta argagixsada.  Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreynay argagixisada magaalooyin iyo tuulooyin ay ku dhibaataynayeen dadkayaga, iyadoo howlgalladaas ay isgarab sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseedday guulo waaweyn”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey qorshaha tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, saameynta isbeddelka cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo abuurka dhallinyara, kobcinta dhaqaalaha, daris-wanaagga iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah.

MW Xasan Sheekh oo ka Warbixiyey howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee socda
To Top