WARARKA SOOMAALI

Deni oo shaaciyay xilliga ay dhaceyso Doorashadda Goleyaasha degaanka Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday xilliga ay dhaceyso Doorashadda Goleyaasha deegaanka Puntland, kadib wareetgto uu Maanta kasoo saaray xafiiskiisa magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu doorashada Goleyaasha deegaanka Puntland u asteeyay inay noqoto maalin khamiis ah, taariikhduna ay ku beegan tahay 25-05-2023-ka, sida uu ku cadeeyay wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha.

Wareegtada ayaa u qorneyd sidaan:

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad

Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad

Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

1- Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Maamulka Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023.

2- Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Go’aanka Madaxweynaha Puntland ayaa daba socda warqaddii dhowaan ka soo baxday guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka mamaulkaas, ujeedadeeduna tahay mudeynta maalinta doorashada goleyaasha deegaanka ee Maamulka Puntland.

Deni oo shaaciyay xilliga ay dhaceyso Doorashadda Goleyaasha degaanka Puntland
To Top