Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, kadib kulan Maanta ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha ayaa Khudbaddiisa Dastuuriga ah uga hadlay Amniga iyo Tayeynta Ciidamada, Doorashooyinkii taariikhiga ah ee hal cod iyo hal qof, mashaariicda horumarineeed ee Puntland hirgelisay.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo wadashaqeynta Puntland iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in la dardar-geliyo howlaha doorashooyinka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan.
Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxa goobjoog ka ahaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Qaar ka mid ah senatarada cusub ee Puntland ku metelaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha Ciidamada Amniga, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharafkale.