featured2

Golaha Wakiillada Puntland oo ansixiyay  Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka  1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad  Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 2-aad  ee Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 48 ayaa looga dooday Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad, Dood dheer kadib, Waxaa Goluhu ansixiyey Ajandaha rasmiga ah oo ka kooban 13-qodob, Waxaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday 46 xubnood, waxaa ka aamusay 2 mudane, mana jirin cid diiday.

Golaha Wakiillada Puntland oo ansixiyay  Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad
To Top