WARARKA SOOMAALI

Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Mareykanka ee…?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa  khadka telefoonka kula hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee.

Labada mas’uul ayaa waaxa ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed, amniga iyo doorashooyinka dalka, balse Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha faah faahin buuxda aysan ka bixin wada-hadalladaas.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ay Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbatay in xiisadda siyaasadeed la dejyo, isla markaana doorashada la dardar geliyo.

Dowladaha taageerada siiya Soomaaliya ayaa culeyso siyaasadeed saaraya Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya six al looga gaaro khilaafyada soo laab laabtay iyo sidii doorashooyinka waqtigooda ugu dhici lahaayeen.

Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Mareykanka ee…?
To Top