WARARKA SOOMAALI

Muwaadin Soomaaliyeed oo Saaka lagu toogtay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi iyo say wax u dhaceen-Warbixin

Wararka ka imaanaya Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in la toogtay labo ruux oo la sheegay inay burcad dhibaatooyin ka geysanaya xaafadaas.

Ciidamada loo yaqaan Flying Squad ee qaabka dharcadka u hawlgala ayaa bartamaha xaafadda Islii, gaar ahaan wadada u dhaxeysa Suuqa 1-aad ee Islii, suuqyada Amal iyo Taysir, waxa ay ku toogteen labadaasi ruux.

Labada ruux ee la toogtay ayaa mid ka mid ah uu ahaa Soomaali, halka midka kalena uu ahaa Oromo, waxaa lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Kooxaha loo yaqaano Super Power oo ah Koox burcad ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan maalmihii la soo dhaafay ay dhibaatooyin ka wadeen xaafada Islii, iyagoo dhac u geysanayay Ganacsatada iyo dadka kale.

Mid ka mid ah dadka ku nool Xaafada Islii ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dharcadka ah ay baadigoob ku hayeen kooxaha burcada ah ee falalka amni dari ka sameeya Xaafada Islii.

SOMALI NEWS

To Top