Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Jimcaale ayaa waxaa xalay lagu dilay tuulada Siloam oo hoostegta deegaanka Thohoyandou ee Gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika.
Burcadda ayaa weerar ku qaaday Muwaadinka Soomaaliyeed, xili uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsi oo ay doonayeen inay dhac u geystaan, isagoona u geeriyooday rasaas uga dhacday qeybaha sare ee jirka.
Qaar kamid ah Soomaali ku sugneyd tuulada Siloam oo hoostegta deegaanka Thohoyandou ayaa tegay halka lagu dilay Muwaadinka, iyagoona ka qaaday Meydka, lana geeyay Isbitaal si baaris loogu sameeyo.
Raggii hubeysnaa ka dambeeyay falka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa durbo halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah kasoo bixin.
Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal kala duwan iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana sanadkaan gudihiisa lagu dilay Muwaadiniin farabadan oo lahaa goobo Ganacsi.