WARARKA SOOMAALI

Muuse Suudi iyo Cabdi Qaybdiid oo su’aalo kulul waydiiyey Deni-Video

Muqdisho ( HM ) Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo Muqdisho soo gaadhay ayaa maanta waxaa Su’aalo ku waydiiyey Aqalka Sare Qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaad ku Maqnaydeen, inaan Xukuumad jirin, Waana Qodob muhiim ah, Hada waad timaadeen, Weli dalka Xukuumad kama jirto, Maxaad u timaadeen ? ma inaad madaxwaynaha Keligii la heshiisaan. ?

Mar hadii aan Xukuumad Jirin wixii la qabtaa waxay noqonayaan, wax Shaqsiyaad ah, ma idiinku jirtaa Qorshaha in madaxwaynahu Ogolaado in dalka Xukuumad loo dhiso ? ayuu yidhi Cabdi Qaybdiid.

Dhinaca kale Muuse Suudi Yalaxow ayaa dhankiisa Su’aal waydiiyey Madaxwaynaha Puntland, wuxuuna si cad u sheegay inuu socdo Heshiis aan beesha Hawiye Qayb ka ahay, Wuxuuna sidoo kale ku eedeeyay Madaxwayne Farmaajo inaanu dalka wanaag ka rabin.

“Anagu waxaan Qabnaa in Doorashada in hada la qabto Wakhtigeeda aan lala sugin, Ama xukuumadda la dhamaystiro, ayaan codsanayaan , idinka waxba idiinma haysano ee Madaxwayne Farmaajo ayaa masuul ka ah”. Ayuu yidhi Muuse Suudi.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Puntland siciid Cabdullaahi deni ayaa ka dareen celiyey Su’aalaha uga yimid Muuse Suudi iyo Cabdi Qaybdiid.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top