WARARKA SOOMAALI

Muuse Biixi oo siyaasadeeyay Casuumaad Xaj oo Dowladda Sucuudigu siisay-Akhriso

Hargeysa (HM) ― Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowr shuruudood ku xidhay isla markaana siyaasadeeyey xaj ay siisay sanadkan Dowladda Dalkaasi Sucuudi careebiya.

Muuse Biixi ayaa dhowaan waxa uu boqorka Sucuudigu ku soo diray martida gaarka ah ee uu boqorku sannad kasta ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegayan wararka aanu helnay.

Biixi ayaa dowladda Sacuudiga u diray waraaq uu ku lifaaqay shuruudaha uu ku xirayo dowladaasi si uu xajka u soo guto sanadkan, isla markaana ugu mahad-celinayo martiqaadka boqorka.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu shuruud uga dhigay in dal ku galka Sucuudiga loo soo saaro Baasaaboorka diblomaasiga Somaliland, lana siiyo hab maamuus Madaxweyne, isla markaana loo abaabulo kulan uu la yeesho boqorka Sucuudiga iyo qodobo kale oo uu ku rabo in Somaliland u muuqato dal madax-banaan.

Muuse Madaxweynaha maamulka Soomaliland Biixi ayaa waxa kale oo uu waraaqdasi ku sheegay in Somaliland tahay dal gaar ah oo madax-banaan oo doorata madaxdeeda, isagana ay waajib ku tahay inuu ilaaliyo sharafta iyo karaamada qaranka Somaliland.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ila hadda wax jawaab ah ka bixin dalabaadka iyo Shuruudaha Muuse Biixi ku xidhay inuu Xajka ku tago martiqaadka uu boqorku u soo diray, balse talabaadan Biixi ayaa u muuqata mid uu ku doonayo inuu sii xoojiyo dhaq-dhaqaaqyada ay Somaliland ku doonayso in dal madax-banaan loo aqoonsado taasoo ilaa hada isku dayo uu sameeyay uu kala kulmay waji gabax iyo faro madhan.

SOMALI NEWS

To Top