Hargeysa (HM) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti.
Booqashadan oo ahayd mid aan la shaacin inta ay qaadan doonto ayaa waxa ay salka ku heysaa iskaashiga maamulka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Muuse Biixi ee Jabuuti uu yahay mid uu la xadhiidha xoojinta xidhiidhka labada dhinac.
Xubnaha wafdigan qeybta ka ah ayaa waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha dibadda, gaashaandhiga, xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluumeysiga ee maamulka Hargeysa.
Ma’ahan booqashadii ugu horreysay ee Muuse Biixi ku tegayo Jabuuti, isagoo horay ula kulmay Ismaaciil Cumar Geelle.
Wixii warar ah ee kasoo kordha Safarka qarsoodiga u muuqda ee Muuse Biixi Horufadhi News kala soco.