WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi cadow kusoo maqan Soomaliland baa dilay taliye Cabdiqani Guhaad-Video

Laascanood (HM)-Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka falceliyey dilkii xalay magaaladda Laascaanood loogu geystay taliyihii nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Sool ee Maamulka Soomaliland.

Biixi oo tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo asxaabta marxuumka ayaa u rajeeyay in uu Alle siiyo naxariista Janatul Firdowsa.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu raggii ka dambeeyay toogashadaas ku qeexay “cadow kusoo maqan” Somaliland, wuxuu hoosta ka xariiqay in fariinta ay u dirayaan ay tahay “in ay diyaar u yihiin”.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Laamaha ammaanka ayuu faray in ay cadaalada horkeenaan shaqsigii ka geystay khaarijinta Cabdiqani Guhaad Xasan, oo illaa iyo haatan aysan jirin koox dusha saaratay mas’uuliyada.

Cabdiqani, oo muddo badan hayey xilkaas, ayaa lagu beegsaday agagaarka hoygiisa kadib markii uu kasoo laabtey Masjidka, fiidnimadii xalay Taariikhduna ku beegnayd 17-kii Maaj 2020.

Dhinaca kale, hogaamiyaha maamulka gooni u goosadka ah ayaa soo hadal-qaadey qaraxii 3-dii bishaan Maaj lagu dilay guddoomiyihii Maxkamada gobolka Sool, Xasan Sheekh Maxamuud oo goor galab ah Gaadhigiisa qarax loogu xidhay agagaarka Hotelka Xamdi ee Koonfurta Magaalada xarunta u ah Gobolka ee Laascaanood.

Isagoo qoyskiisa iyo asxaabtiisa u diray tacsi tiiraanyo leh, Biixi ayaa si lamid ah hay’addaha nabad-gelyadda ku tartarsiiyey in ay gacanta kusoo dhigaan gacan-ku-dhiigleyaashii ka dambeeyay.

Toogashada taliye Guhaad ayaa lala xiriiriyey baadhista kiiska marxuum Xasan oo la tilmaamay in maalmihii lasoo dhaafay uu gacanta ku hayey isla markaana ay gal-dacwadeedka uu la galay “meelo waaweyn”.

Horufadhi News.

SOMALI NEWS

To Top