WARARKA SOOMAALI

Muuse Biixi oo ka hadlay Gole deegaan oo sheegay inuu aqoonsaday Maamulka Soomaliland

Hargeysa (HM) ―Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay dhawaaq ka soo yeeray Golaha Deegaanka Birmingham, kaasi oo ay Somaliland ugu aqoonsadeen dal madax-banaan.

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa waxa uu si weyn uga mahad-celiyay dhawaaqa aqoonsi ee ka soo yeeray Golahaasi, waxaana sidaasi lagu sheegay War-murtiyeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, wuxuuna u dhigna sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadda iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaa Golaha Deegaanka Birmingham iyo guud ahaanba shacabka ku nool oo 08-07-2019, ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu mar labaad ku hambalyeynayaa kuna bogaadinayaa golaha deegaanka magaalada labaad ee ugu dadka badan dalka Ingiriiska tallaabadii ku dhaca iyo geesinamada lahayd ee ay qaadeen shalay oo Isniin ahayd, kuna aqoonsadeen Qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Birmingham waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan ahmiyadda weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa.

Sidoo kale shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahadnaqayaan cidkasta oo isu xilsaartay qadiyadda Somaliland islana garabtaagtay tallo iyo taageero lagu raadinayo aqoonsiga dalkan iyadoo mudooyinkii u danbeeyey golayaasha deegaanka ee ingiriisku ku dhawaaqayeen ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana hore ugu dhawaaqay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha Deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets, shalayna ay ku soo biirtay Birmingham, taasina waxay ka turjumaysaa tallaabooyinka geesinimada leh ee ay qaadeen magaalooyinkaasi, kuwaas oo mudan inay beesha caalamku kaga dayato.

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beesha caalamka ka codsanayaa inay xaqiiqsadaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo xukuumadda Somaliland mudada 28ka Sanno ah ee ay ku buuxiyeen dhammaan shuruudihii dalnimo iyo dawlad madax-bannaan oo ay u dhanyihiin haykalkii dawladnimo”.

SOMALI NEWS

To Top