WARARKA SOOMAALI

Musharaxiinta Madaxweynaha oo kulan xasaasi ah yeelanaya iyo Go’aano Culus oo la filayo…

Waxaa Maanta oo tallaado kulan aan caadi aheyn Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho ku yeelanaya Midowga Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha oo siweyn uga soo horjeeda dowladda Federaalka.

Ilo ku dhow dhow Shirka ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid Albaabada u xiran oo looga hadli doono arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka dhacaya iyo arrimo kale.

Warar lagu kalsoonaan karo oo helnay ayaa sheegaya in suura-gal ay tahay in shirka Maanta ee Musharaxiinta Madaxweynaha laga soo saaro Go’aano Cusub oo ku aadan xaaladda dalka iyo Doorashooyinka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Shirkaan ayaa waxaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Madaxda Beesha Caalamka ee ka qeyb gashay shirkii ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay sheegeen in muhiim ay tahay in Doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay.

Sidoo kale Madaxda Beesha Caalamka ayaa dhammaantood isku raacay in la fuliyo heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ka gaareen Doorashada dalka bishii November ee sanadkaan.

Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, waxaana Musharaxaiinta oo baaqyadii dowladda u direen laga soo Jawaabin ay magacaabeen Guddiga badbaadinta Doorashooyinka Qaranka oo tilmaameen inay ka shaqeyn doonaan sidii dalka uga dhici laheyd Doorasho xor iyo xalaal ah.

SOMALI NEWS

To Top