WARARKA SOOMAALI

Museveni oo Kudhawaaqay tirada Askarta looga dilay Weerarkii Al-shabaab

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa shaaciyay tirada Askar looga dilay weerarkii dagaalamayaasha Al-Shabaab dhawaan ku qaadeen Saldhig ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degmada Buulo-mareer ee Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Museveni ahaa sheegay in ciidankooda looga dilay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Saldhiga Buulo-mareer 54 askari oo kamid ahaa ciidanka Uganda ee joogay saldhiga, xilligii uu dhacaayay weerarka oo ku bilowday Qaraxyo waaweyn.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Uganda ayaa hadalkiisa intaas kusii daray in ciidamada difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo qabsaday xerada, kana qaatay saanad ciidan.

Museveni ayaa horey u tilmaamay in qaar ka mid ah ciidamada dowladdooda aysan u howlgelin sidii la filayey ayna argagaxeen, taasi oo ka dhex dhalisay kala yaac, ayna ka faa’iideysteen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa qooraal ay ku baahiyeen warbaahintooda ayaa waxa ay ku sheegteen in weerarkii saldhiga degmada Buulo-mareer ee Gobolka  Shabeellaha Hoose dhacay ku dileen 137 askari, ayna noloashada ku qabteen Askar kale oo ka tirsan Uganda.

Museveni oo Kudhawaaqay tirada Askarta looga dilay Weerarkii Al-shabaab
To Top