WARARKA SOOMAALI

Muqdisho: Dad caydhaysan oo dab qabadsiiyey Gurigii lagu Kufsaday laguna dilay Gabadh ardayed ah.

Dad u badan dhalinyaro iyo Haween kaan cadhayan falkii lagula kacay Xamdi ayaa weeraray Daartii lagu kufsaday lagaan soo tuuray Xamdi Maxamed faarax, iyaag oo dab qabadsiiyay qeyb kamid ah dabaqa.

Guriga ay dadkaan weeraeen ayaa ku yaalla degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, waxaana la sheegay in uu ahaa dabaqii lagu kufsaday laguan dilay xamdi Maxamed Faarax oo 19 sano jir aheyd kana mid aheyd Ardaydii sanadkaan gashay Imtixaanka dowladda ee dhameeyay Dugsiga Sare.

Qaar kamid ah Dadkii Guriga weeraray oo banaanbax ka dhigay banaanka dabaqa ayaa waxaa ay dalbadeen in Cadaaladda la horkeeno dakii ka dambeeyay falka kufsiga iyo dilka u geystay dhibane Xamdi.

Waxaa ay ugu baaqeen Madaxda sare ee dowladda in ay arrintaan waxka qabtaan,isla markaana tallaabo sharci ah ka qaadaan dadkii falkaasi geystay oo qaarkood boolisku sheegeen in la qabtay.

SOMALI NEWS

To Top