WARARKA SOOMAALI

Muhaajiriin ay Soomaali ku jirto oo la la’yahay & Wararkii ugu danbeeyay

Muhaajiriin farabadan ayaa lagu la’yahay Jasiiradda Leros oo ku taalla dalka Giriiga, kuwaasi oo ay la degtay doon macmal oo waday, sida ay warbaahinta u sheegeen Saraakiisha ilaalada xeebaha dalkaas Giriiga.

Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaa baadigoob ugu jira lix muhaajiriin ah oo kasoo kala jeeda dalalka Sierra Leone, Soomaali iyo Uganda, waxaana dadkaas Muhaajiriinta ay kamid ahaayeen 55 qof oo la socday doonta.

Booliska Dekadda ee xeebta Leros ayaa helay 49 tahriibayaal Afrikaan ah, iyada oo sidoo kale doontii ay wateen ee macmalka aheyd laga helay badda dhexdeeda, sida uu AFP u sheegay afhayeen u hadlay ilaalada xeebaha.

War kasoo baxay ilaalada xeebaha ayaa waxaa lagu sheegay in Maraakiibta ilaalada ay bilaabeen howlgal samatabixin ah, isla markaana lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo Muhaajiriinta lagu la’yahay Jasiiradda Leros oo ku taalla dalka Giriiga.

Sanad kasta kumannaan muhaajiriin ah ayaa safaro halis xeebta galbeedka Turkiga ilaa bariga Giriigga uga gudba dalalka Yurub, waxaana safarkaasi uu galaaftay nolosha tobannaan muhaajiriin ah.

Muhaajiriin ay Soomaali ku jirto oo la la’yahay & Wararkii ugu danbeeyay
To Top