Xubnaha Golaha Degaanka degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo ka kooban 13 xubnood, ayaa saaka oo Axad ah Maamul cusub u doortay degmadaas.
Golaha Degaanka Laascaanood, waxay Maayirka cusub u doorteen Cabdiraxiim Cali Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, kaasi oo Cod gacan taag ah loogu coddeeyay.
Sidoo kale, waxay Maayir ku xigeenka degmada Laascaanood u doorteen Axmed Maxamed Cumar (Kawte), oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.
Labada Xisbi mucaarad ee Somaliland UCID iyo Waddani ayaa dhowaan samaystay is-baheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, kadib doorashadii Golayaasha Degaanka iyo Wakiilada.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Si kastaba Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ku guuleystay Guddoomiyeyaasha Golaha deegaanka Magaalooyinka waaweyn ee Maamulkaas, waxaana kamid ah Hargeysa , Borama , Ceerigaabo , Burco io Laascaanood.