WARARKA SOOMAALI

Mucaaradka oo soo dhaweeyay in RW Rooble la wareego Doorashada dalka

Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dib uga laabteen muddo kordhintii ay sameeyeen, ayna dib u soo celiyeen heshiiskii 17-kii September oo ay horey u gareen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay taageersan yihiin in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka iyo amniga dalka.

Musharaxiinta ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka kala shaqeeyaan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhaca waqtiga ugu dhow.

Golaha ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee sababay dhimasho, dhaawac iyo Barakac, iyagoona sheegay in Madaxweyne Farmaajo mas’uuliyadeeda uu qaadayo dhibaatadii dhacday.

Halkaan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta.

SOMALI NEWS

To Top