WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Mucaaradka oo ka hadlay xilka qaadistii Saraakiisha NISA

Midowga Musharaxiintab Soomaaliya ayaa War kasoo saatay tallaabadii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble uu xilka uga qaaday Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxiinta ayaa lagu soo dhaweeyay Go’aanka uu Rooble xilalkii uga qaaday Taliyihii shaqaalaha Hay’adda NISA Cabdullaahi kullane iyo Taliyihii Nabadsugida Garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali, kuwaasi oo jebiyay amar uu soo saaray Rooble.

Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in tallaabada uu Ra’iisul Wasaaraha uga hortegayo xayiraadaha sharci darrada ah ee dhanka xorriyada safarka Muwaadiniinta iyo Mas’uuliyiinta ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka.

Sidoo kale Golaha ayaa ugu baaqay dhammaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan ee dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliya inay si wadajir u dhowraan Dastuurka u yaalla dalka, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo dib u dhac.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa shalay xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii qaaday Taliyihii shaqaalaha Hay’adda NISA Cabdullaahi kullane iyo Taliyihii Nabadsugida Garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali, kuwaasi oo jebiyay Amar uu soo saaray Rooble.

SOMALI NEWS

To Top