WARARKA SOOMAALI

Mowqifka Mideysan ee dalalka Carbeed ee kulanka Anthony Blinken

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka,  Anthony Blinken iyo dhigiisa 6 dal oo Carbeed ayaa la filayaa inay maanta Shir wadareed ku yeeshaan caasimadda Boqortooyada dalka Urdun ee Cammaan.

Kulanka ay W.A.D. ee dalalka Sacuudiga, Masar,  Urdun, Qatar, Imaaraadka iyo Falastiin la leeyihiin dhigooda dalka Maraykanka ayaa looga hadli doonaa Dagaalka XAMAAS iyo Israel, XJJ iyo Masiibada Aadminimo ee ka jirta magaalladda Qasa ee Falastiin.

Afhayeenka W.A.D ee dalka Masar,  Axmed Abu Sayd ayaa sheegay inuu Mowqifka Carbeed yahay mid Mideysan, lana oggolaan doonin wax kasta oo Shaki iyo Mugdi leh ee uu Xoghaye Blinken ku soo bandhigo Shirka ay maanta la leeyihiin.

Qoraal uu Afhayeenka W.A.D Masar soo dhigay Barta X ayaa ku xusay inay lama huraan tahay in la joojiyo caddowtooyada Israel,   muhiimada gelitaanka Gargaarka Aadminimada ee Falastiin, la soo af-jaro Gumeysiga, Barakicinta Khasabka iyo Dhismaha Dowlad Falastiin oo Xor ah, taasi oo ah Xalka.

Si kastaba, Kulanka W.A.D. Carbeed iyo Maraykanka maanta ku leeyihiin Caasimadda dalka Urdun ee Cammaan ayaan la saadaalin karin Natiijada laga filan karo, maadaama Dowladda Maraykanka loo arko mid aan dhexdhexaad ka ahayn Dagaalka haatan socda iyo Qaddiyada Guud ee dadka Reer Falastiin.

Mowqifka Mideysan ee dalalka Carbeed ee kulanka Anthony Blinken
To Top