WARARKA SOOMAALI

Maamulka Galmudug oo la wareegay ciidamo loo diyaariyay Dagaalka AS

Maamulka deegaanka Xinlabi ee Gobolka Mudug ayaa Maamulka Galmudug ku wareejiyay ciidamo kuwa deegaanka ah ee loo yaqaano macwiisleyda oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Munaasabad ka dhacday Xinlabi ayaa lagula wareejiyay Maamulka ciidanka macwiisleyda ah, kuwaasi oo deegaanka lagu aas-aasay, waxaana ciidankaasi la wareegay Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Guureye)

Wasiir Cumar Guureye oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa waxa uu sheegay in ciidankan macwiisleyda ah ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda Galmudug, isla markaana ay ku biiri doonaan ciidanka xoogga.

Sidoo kale mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa goobta ayaa ciidamada kula dardaarmay xoreynta deegaanada weli ku maqan gacanta Shabaab, iyagoona u mahadceliyay Maamulka deegaanka Xinlabi ee Gobolka Mudug.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa haatan ka soconaya howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda, kuwaas oo dhul ballaaran ka saaray xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe ee dalka.

Maamulka Galmudug oo la wareegay ciidamo loo diyaariyay Dagaalka AS
To Top