WARARKA SOOMAALI

Meydka Haweenay lagu dilay Rasaas oo lagu arkay Muqdisho..

Muqdisho (HM)-Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xaafadda Shareeco lagu arkay meydka haweeney lagu dilay xaafadda.

Meydka haweeneydaan ayaa la sheegay in saaka lagu arkay xaafadda Shareeco, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in haweeneyda aad looga yaqaanay xaafadda.

Lama oga dadka ka dambeeyay dilka haweeneyda, balse maalmihii ugu dambeeyay degmada Kaaraan waxaa ka socday baaritaan ay sameynayeen ciidamada booliska ee dhawaan lagu wareejiyay degmada.

Rasaas badan ayaa qeybaha sare ee jirkeeda ka muuqatay haweeneyda, waxaana la ogeyn dadka ka dambeeyay falkaasi, iyadoo saaka ciidamada amaanka ay baaritaano ka bilaabeen degmada.

Maamulka degmada Kaaraan ayaanan wali wax faahfaahin ah ka bixin dhacdada ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dhawaan degmada waxaa la geeyay ciidamadii ugu badnaa oo boolis ah kuwaasi oo loogu talo galay inay xaqiijiyaan amaanka degmada, waxaana ay sameynayeen muddooyinkii ugu dambeeyay baaritaano amaanka lagu xaqiijinayo.

Al Shabaab ayaa dilalka ugu badan ee qorsheysan ka geysta magaalada Muqdisho, balse waxaa todobaadyadii ugu dambeeyay yaraaday dilalka qorsheysan oo ay geysan jireen, kadib markii ay kordhiyeen qaraxyada.

SOMALI NEWS

To Top