WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday rag dilal ka geystay Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun dil ah ku riday rag ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo dilal ka geystay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir ee Gobolka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Cumar Aadan Maxamed oo 29 jir ah iyo Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaashaha Alshabaab iyo dilal ay ka geysteen Muqdisho ay qirteen in ay ka dambeeyeen dilalka marxuumiinta kala ah.

1-Saddex Alifle dowladda hoose, Cabdullaahi Maxamed Hilowle oo lagu dilay suuq Boocle, degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, taariikhdu markey aheyd 12-10-2019.

2-Dable xoogga, Cali Cabdulle Maxamed oo lagu dilay suuqa Weyn, degmada Wadajir taariikhdu markey aheyd 13-11-2019, iyadoo ciidamada amnigu qabteen dilka marxuumkan kaddib.

Ciidanka amniga dowladda Federaalka ayaa dhaawac u geystay eedeysane Cabdulle Axmed Muudey, kadib markii uu isku dayay inuu baxsado markii uu dilka geystay, isla markaana markii dambe la qabtay, lagana daaweyey dhaawacii soo gaaray.

SOMALI NEWS

To Top