WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun ku riday Dad isugu jiray Rag iyo Dumar

Maxkamadda Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta xukun dil ah ku riday labo qof oo rag iyo dumar kala ah in dil bareer ah u geesteen labo qof oo kunoolaa deegaano katirsan gobolka Mudug.

Maxkamada ayaa ku heshay Khadro Jaamac Maxamed oo 20/2/2022 la sheegay inay degaanka Bitaale ee Gobolka Mudug ku dishay Marxuumad Faadumo Cali Salaad & Cabdinaasir Axmed Maxamed oo loo heysta in 23/2/2022 uu degaanka taaroge ku dilay Marxuum Cali Salaad Khaliif.

Dood dheer kaddib maxkamada gobolka Mudug ayaa xukun dil ah oo qisaasta labada marxuun ee horey loo dilay ku riday Khadro Jaamac Maxamed  & Cabdinaasir Axmed Maxamed oo dilalkaasi geestay

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudug ee Galmudug Abuukaate Cabdirisaaq Cali Yuusuf oo xukuno ku dhawaaqay ayaa sheegay in dilka labada Ruux loo adeegsaday qoray AK47 ah markii cadeeymo loo helayna xukunka lagu riday labada Ruux ee fuliyay.

Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun ku riday Dad isugu jiray Rag iyo Dumar
To Top