WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shil Gaari oo ka dhacay…

Shilka oo ah mid gaari, isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Libow oo u dhaxeeya Magaalaooyinka Qardho iyo Garoowe.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo ah kuwa xamuulka qaada oo ay kala leeyihiin Shirkado ka howlgalla Puntland, waxaana shilka ku dhintay laba Ruux tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dadweyne kunool halka uu shilka ka dhacay iyo Ciidamo katirsan kuwa ilaalada waddooyinka Gobolka Nugaal ayaa u gurmaday dadka ku waxyeeloobay Shilka, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe si loogu daaweeyo.

Labada Ruux ee shilka ku dhintay ayaa la xaqiijiyay inay saarnaayeen Gaariga Shirkadda SURAD halka dhaawaca ugu badana ay ahaayeen Shaqaalaha Shirkadda DEMO oo dhisme qandaraas oo ay gacanta ku hayaan u socday.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho ayaa waxaa kubatay Shilalka Gaari, iyada oo Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ay dhowr jeer Digniin kasoo saareen.

Faah faahin kasoo baxeysa Dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shil Gaari oo ka dhacay…
To Top