WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun Dil ah riday, kadib…

Abuukar Macalin Axmed Hilowle ayaa loo haystaa dhac iyo dil uu gaysta Marxuum Axmed Cali Nuur 19-kii Maarso sanadkaan, dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Jasiira.

Ciidamada deegaanka ayaa ku soo wareejiyay eedeysanaha Hey’adda danbi barista ee CID. Baaritaan dheer oo ay hey’addu samaysay keddib ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka-sida dabayaaqadii Maarso.

Eedeysanaha ayaa Marxuumka oo u damaashaad tegay Jaseera isku dayay in uu dhac u gaysto laakiin sida Maragyada Qaar ay sheegeen Marxuumka uu ku adkaysatay in uusan teleefoonkiisa dhiibin Maadaama uu Aaminsanaa inaan lagu dhici Karin Xeebta loo dalxiiska tego ee Jaseera.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Maxkamadda ayaa muddo kadib go’aan ka soo saartay Kiiska Abuukar Macalin Axmed Hilowle, waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qisaasta arxuum Axmed Cali Nuur sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

SOMALI NEWS

To Top