WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo lasoo taagay Sarkaal ku kacay dembi yaab leh

Maxkamadda ciidamada qalabkan sidda ayaa soo gabagabeysay dhgeysiga dacwad loo heysto Xidigle/Boolis Maxamed Tahliil Cabdi oo lagu eedeeyay inuu iibsaday labo qori oo AK47 ah oo ay lahaayeen askar ka tirsan ciidanada Booliska Soomaaliyeed, lacagta uu hubkaas ku iibsadayna wuxuu ku ciyaaray ciyaarta la yiraahdo “1XBET”.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada Booliska ayaa tijaabiyay farsamo ugub ah waana u meel-martay, sida uu eedeysanaha ka hor qirtay Maxkamadda.

Baaraha kiiskan ayaa garsoorka ciidamada qalabka sida uga sheekeeyay sida ay isugu xiran yihiin farqaha dambi ee eedeysanuhu u xiran yahay.

Inta badan dhallinyarada ayaa si aan caadi ahayn u isticmaala aaladdan, waxay da’yarta qaar ay rumeysan yihiin in shar iyo xoogaa faa’ido ahba wada xambaarsan yahay.

Xeer ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Maxkamadda weydiistay in laga gaaro kiiskan xukun adag si ay badbaado ugu noqoto badqabka hantida ciidanka iyo dhowrsanaantoodaba.

Ugu dambeyntii, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa soo xiray fadhigan maxkamadeed, isagoo sheegay in Maxkamadda ay Go’aan kasoo gaareyso kiiskaan.

Maxkamadda Ciidamada oo lasoo taagay Sarkaal ku kacay dembi yaab leh
To Top