Maxkamadda Sare ee dalka Kenya (The High Court of Kenya) waxay shalay oo Khamiis ahayd si Ku-meel-gaar ah (Temporarily) u hor-joogsatay Go’aankii Dowladda dalkaasi ku doonaysay in albaabada loogu laabo labo Xero Qaxooti oo ay ku nool yihiin Qaxooti tiradoodu gaarayso in ka badan 400,000 oo qof.
Maxkamadda Sare ee Kenya waxay amartay inay Xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma sii furnaan doonaan muddo 30 maalmood, sida laga muujiyey Nuqul ka mid ah Qoraalka Maxkamadda oo ay Ururadda Warbaahinta arkeen.Qorshaha ay Maxkamadda Sare ee Kenyaku hakisay Go’aankaasi ayey ku sheegtay Tallaabo aan Dastuuri ahayn (Unconstitutional move).
Siyasiyiin gudaha ee dalkaasi ayaa u ololeysay in laga hor-tago Go’aanka ay Dowladda Kenya albaabadda ugu laabayso Labada Xero Qaxooti ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ku yaalla W/bari ee dalkaasi.
Bishii la soo dhaafay ee March 24-dii, Wsiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Dr.Fred Okengo Matiang’I waxa uu ku dhawaaqay Go’aanka Dowladda Kenya ee lagu xiri doono Dhadhaab iyo Kaakuma, isgoo amar ku siiyey Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR inay muddo 2 isbuuc ku xirto Xeryahaasi.
Waxay mar ahayd Xerada Qaxootiga ee ugu weyn Caalamka, iyadoo Hoy u ahayd in ku dhow 500,000 oo qof oo ka soo cararayColaadihii iyo Abaarihii ka dhacay qeybo ka mid ah Somalia.Guud ahaan Xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma waxaa ku nool in ka badan 410,000 oo qof, oo badankooda Somali ah, balse waxaa Xerooyinkaasi kula nool Qaxooti Afrikaan ah oo ka soo kala jeeda dalal ay ka mid yihiin Koonfurta Sudan iyo Ethiopia.