Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeer ku tegay dekadda weyn ee Magaalada Kismaayo, kadib markii Maanta halkaas uu socdaal ku gaaray.
Kormeerka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku wehlinayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiin kale, iyagoona soo kormeeray habsami u socodka howlaha dekadda & qeybaha ay ka kooban tahay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta socdaal ku tegay Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, waxaana halkaas siweyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA
Ujeedka socdaalka Rooble ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoona dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada, kuwaa soo ay dowladdu ka hirgelinayso Jubaland si loogu adeego shacabka.
