WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh & Xoghaya Difaaca ee Maraykanka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar aan la shaacin ku tagay dalka Jabuuti, ayaa kulan gaar ah la qaatay Xoghaya Difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin.

Kulanka dalka Jabuuti ku dhaxmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Difaaca dalka Mareykanka ayaa looga wada hadlay iskaashi labada dal ka yeeshaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha waxa loou yeero argagaxisada.

Xoghaya Difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin ayaa boggaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxa uuna dowladda Soomaaliya u ballan-qaaday in ay ka caawinayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Mareykanka ayaa si weyn uga taageerta ciidanka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa ayna Mareykanka duqeymo dhinaca cirka ah ku taageeraan ciidanka Soomaaliya, duqeymaha ayaana lagu dilay madax iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkii ugu horeeyay dalka uga baxay, tan iyo markii uu ku dhawaaqay howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab uuna saldhig ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb.

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh & Xoghaya Difaaca ee Maraykanka
To Top