WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoorqoor iyo Safiirka Ingiriiska?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta kulan khadka mareegta ah gaar ahaan aalada ZOOM-ka kula yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ms. Kate Foster.

Madaxweynaha & Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta Kaabayaasha dhaqaale, amniga gudaha iyo dhismaha Hay’adaha kala duwan ee Galmudug oo Dowladda Ingiriisku ay gacan ka geysatay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargelinta doorashada dalka oo si habsami leh ku socota, isagoona Safiirka u sheegay in maamulkiisa uu u diyaar garoobayo doorashada dhaceysa.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qooroor ayaa ugu danbeyntii danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya kaga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda UK ee guud ahaan Soomaaliya iyo Galmudug si gaar ah.

SOMALI NEWS

To Top