WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni iyo Safiirka Ingiriiska?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Kate Foster.

Kulankaan oo ka dhacay hotel ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen Arrimaha Puntland iyo horumarinta deegaanada Maamulka.

Inta uu socday kulanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Kate Foster ayaa waxaa kaloo looga arrinsaday xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan marxalada lagu jiro iyo doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Kate Foster ayaa Madaxweynaha Puntland ku boggaadisa dadaalada uu ka qaatay geedi socodka hanaanka doorashada dhaceysa, sidoo kalena dalbaday inuu sii wado dadaalka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa weli ku sugan Muqdisho, isagoona ka qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee looga hadlay doorashada

SOMALI NEWS

To Top