WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Xasan Sheek & Erdogan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadal telefoon ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Erdogan uu xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo dowladda Federaalka Soomaaliya,

Sidoo kale waxa uu adkeeyay muhiimadda Turkigu uu siinayo madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo taageerada howlgallada Ciidanka Qalabka Sida ee dabar-goynta argagixisada.

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Xasan Sheek & Erdogan
To Top