WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Xamse iyo Safiirka Sweden ee Somalia?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Per Lindgärde.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Lindgärde ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan nabadda iyo xasilloonida, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyey garab istaagga Sweden ay u muujinayso dalkeenna.

Dhankiisa, Danjire Per Lindgärde oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Per Lindgärde ayaa waxaa RW Xamse Barre soo bandhigay in dalkiisa ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka.

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Xamse iyo Safiirka Sweden ee Somalia?
To Top