POLITICS

Maxaa kasoo kordhay dagaalka dalka Ukraine?

Madaafiicda iyo diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa wali sii wada duqeymaha ay ku garaacayaan magaalooyinka dalka Ukraine.

Ku xigeenka duqa magaalada Mariupol, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay 400 oo qof oo ay ku jiraan dhakhaatiir iyo bukaano ay gacanta ku dhigeen “.

Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa dhankiisa ku dhawaaqay bandow 35 saacadood ah caasimadda, isagoo ka digay “waqti adag oo khatar ah” oo caasimadda ku soo fool leh.

Duqeymaha cirka ee Ruushka ayaa habeenimadii xalay ku garaacay boostaajo laga raaco tareenada dhulka hoostiisa mara iyo dhismayaal ay dagan yihiin, waxaana ku dhintay 4 qof.

Maxaa kasoo kordhay dagaalka dalka Ukraine?
To Top