Taliyaha Ciidanka Booliska Garoonka Aadan Cadde iyo Maareeyaha Maamulka Guud iyo Amniga Garoomada Soomaaliya oo kormeeray goobaha ay ka howlgalaan ee Garoonka ayaa kula Dardaarmay in ay sii laba laabaan Sugidda Amniga Garoonka.
Ciidamada Booliiska ee ka howlgala gudaha iyo banaanka iyo irridda hore ee laga soo galo garoonka ayaa qeyb weyn ka qaata howlaha lagu sugayo amniga gaar ahaan barista gaadiidka rakaabka, dadka howlaha ganacsiga iyo hay’addaha kale ee howl-maalmeedkooda caadiga ah u taga Garoonka Aadan Cadde.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Garoonka Aadan Cadde Cabdifataax Bashiir Cali oo uu wehliyo Maareeyaha Maamulka Guud iyo Amniga Garoomada Soomaaliya Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay ku dadaalaan cabsida Alle, iyo xaqdhowrka muwaadiniinta ay shaqooyinka u hayaan.
Booliska ayaa waxa ay mas’uuliyad ka saarantahay illaalinta shacabka amniga gudaha waxaadna ka dareemi kartaa ama aad ku arkeysaa in ay yihiin kuwa si ilbaxnimo, waayo aragnimo iyo xilkas ula macaamilaya muwaadiniinta Soomaaliyeed mansabkasta oo ay leeyihiin.