WARARKA SOOMAALI

Maxaa ka jira in weeraro qorsheysan laga fulin rabo Garoonka Aadan Cadde?

Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyey warar sheegayey inay soo baxday Digniin la xiriirta weerar la qorsheeyay inay Ururuka Al-shabaab ku qaado Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Maareeyaha maamulka iyo Amniga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo Qoraal soo saaray ayaa beeniyey wararka lagu faafiyey baraha Bulshada, iyagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay Digniinta la bixiyey ee ku aadan in la weeraro Garoonka.

Maareeyaha qoraalkan ayuu ku sheegay in amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gacanta ku hayaan hay’addaha amniga, waxaana lala socodsiiyay bulshada Soomaaliyeed in warqadii hore aysan waxba ka jirin.

Warka Digniinta ee la beeniyey ayaa kusoo aaday, iyada oo shalay Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya uu shirkaddaha ka shaqeeya adeega duulimaadyada dalka ku amray inay wax macaamil ah la yeelan karin Al-shabaab, isla markaana ciddii lagu qabto falkaas laga qaadi dooni tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Maareeyaha maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho

Maxaa ka jira in weeraro qorsheysan laga fulin rabo Garoonka Aadan Cadde?
To Top