WARARKA SOOMAALI

Maxaa iska badelay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi? Akhriso..

Madaxweynaha Maamulka “Somaliland” Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxuu maqaal muddo haatan laga joogo 20 sanno ku soo qoray Wargeys Hargeysa ka soo bixi jiray oo la odhan jira Xor-riya 11.09.1997, Maqaal kaas oo Cinwaankiisu ahaa ( Hashu Maankay Gaddee Ma Masaar Bay Liqday) dulucda maqaalkuna wuxuu ahaa wafti uu hoggaaminayey Cabdiraxmaan Tuur(I.H.N) oo ka socday dawladii Salbalaadh ee xilligaas oo ku sugnaa magaalada Burco, waxayna ula jeedada waftigaas Cabdiraxmaan Tuur ahayd sidii xaaladaha cakiran ee siyaasiyadeed ee markaa dalka Soomaaliya ka taagnaa wax looga qaban lahaa , ula jeedada Muuse Biixina waxay ahayd in uu Cigaal iyo Xukuumadiisii ku eedeeyo xidhiidh ayey lee yihiin Muqdisho.

Maqaal kaas oo qoraalkan ku lifaaqan waxa uu Muuse Biixi ku daadafeeyey siyaasadda Cigaal wuxuuna ku tilmaamay mid jilicsan oo aanay xukuumadiisu dadka Federaalka aaminsan waxba ka qaban, isla markaana ay deegaanka iska dhex mushaaxaan.

Waftigii Cabdiraxmaan Tuur Gobolada Waqooyiga Soomaaliya waxay joogeen muddo, waxayna kulmeen Cigaal(I.H.N), markay ismari waayeen Cigaal wuxuu amray in ay Hargeysa wakhti kooban kaga baxaan, Cabdiraxmaan Tuur oo Wargeyska Jamhuuriya weydiiyey sida xaal u dhacayna isaga oo markaa joogay Muqdisho Waraysi dheer oo maanta qofka akhriyaa waxbadan ka ogaanayana wuxuu ku yidhi Cabdiraxmaan Tuur: Cigaal isagaa Burco nooga yeedhay oo na casuumay oo Hutel na dejiyey markii danbena isagaa yidhi waan masafuriyey insha allaahu waraysigaas oo dhan mar ayeynu wadaagi doonaa.

Isbadela muddadaas ka dib dhacay waxaa ka mid ah in raggii xagjirka ahaa ee xilligaas aan la maqashiin karin in wadahadal lala galo dawladda federaalka ay maanta ogol yihiin in la sii xoojiyo wadahadalka Dawladda Federaalka ee ka jirta Muqdisho, wadahadalkaas oo soo bilowday 2012kii maanta lagula jiro iyada oo xilligii hore ay xaaraan ahayd in la horfadhiisto dawladda Federaalka , Cabdiraxmaan Tuur wixii loo masaafiriyeyna ay ahayd waar aynu wadaxaajood galno.

Waxaa la odhan karaa waa talaabo hore loo qaaday in wadahadalkii Siilaanyo Iyo Shiikh Shariif daahfureen maantana ay Muuse Biixi Cabdi iyo Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday badaxbanaanida ee “Somaliland” ay u tahay Yool siyaasadeed oo aan dib looga noqonayn, haddii shalay uu Muuse Biixi taagnaa hala qabqabto dadka Federaalka wada , maanta wuu ogol yahay in uu horfadhiisto wixii la doono shacabka haloogu sheekeeyee, aan wadahadalno-na waa aan heshiino.

Waxaase hubaal ah in Muuse iyo bulsho badanba ay maanta u muuqato in siyaasadii 27 sanno lagu soo socday aysan horumar siyaasadeed u keenin “Somaliland” wayse jirtaa horumar nabad galyo mid waxbarasho iyo qaabka siyaasadeedka qori isu dhiibka sadexda Xisbi ee isku ceelka ka biyo cabay ay hawlahooda hoose ku maaraystaan taasina waa mid ku kooban daa’ifo gooniya. Waxaanse shaki ku jirin in Maamulka”Somaliland” ku fashilmay in uu dawladaha dariska iyo bulshada caalamkaba ka iibiyo oo ka gado wuxuu doonayo iyo fikirka gooni isu taaga iyo in Soomaaliya laba dawladood laga dhigo.

Waxaana arrintaas sabab u ah laba arrimood oo waaweyn.
1. Bulshada wada degta Waqooyiga Soomaaliya”Somaliland” oo aan ka mideysnayn gooni isu taaga.
2. Bulshada Jamhuuriyadda Soomaaliya Iyo xukuumadda Soomaaliya oo aan iyaguna aaminsanayn taageersanayna in Soomaalida la kala diro.
Sababahaas gudaha ah ayaa si kasta oo “Somaliland” dadaal u bixiso aanay u noqon karayn kuwo midho dhala. Beesha caalamkuna waa arrimaha ay ugu soo riixayaan aqoonsiga “Somaliland” mid ku xidhan is afgaradka Soomaalida dhexdeeda ah.

Waxaa hubaal ah in Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha cusub ee Maamulka “Somaliland” yahay nin ku dhaceeda leh bulshada uu hadda madaxweynaha u yahayna runta u sheegi karo taas oo ku qotonta in aan xabaal iyo ninkeeda la kala qarin, oo ah in shacabka runta loo sheego lana yidhaahdo gooni isu taagii aynu 27 sanno raadinaynay waddada aynu u marnay maaha tii aan guul kaga gaadhi lahayn, waana waajib in aan badelo siyaasadii hore.

Taasi waxay horseedi kartaa in qaabkan maanta lagu jiro waji kale looga gudbo, wajiga ugu habboon ee lagu abbaari karaana waa iyada oo qaabkii 1960 qaldamay ee shuruud la’aanta koonfur laysugu biiray la saxo, iyada oo shaatiga reer waqooyi-nnimada lahuwan yahay, oo Midnimo lagu unkay shuruudihii aynu gefnay 1960 lagu asaasaa dawladda Soomaaliyeed ee mustaqbalka. Laysna horfadhiistaa iyada oo xaalka lagu celinayo 01.07.1960.

Waraysiga Dheer ee Cabdiraxmaan Tuur Wargeyska Jamhuuriya La Yeeshay 1997 oo uu arrimo badan kaga hadlay dib ayaan idin kala wadaagi doonaa insha alaahu.

W/Q: Asad Adaani Ibraahim
Muwaadin reer waqooyi ah,oo aaminsan Soomaali mideysan oo cadaalad ku dhaqanta.

SOMALI NEWS

To Top