WARARKA SOOMAALI

Mas’uulkii ugu horreeyay oo fuliyay amarkii Hanti-dhowraha Qaranka + Akhrsio Magaca

Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa dib u celiyay gaari ay dowladda oo si shaqsi ah  u heystay, kadibna Hanti dhowraha uu ku amray inuu dib usoo celiyo gaariga uu heysto.

Qoraal kasoo baxay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Cismaan ayaa waxaa lagu shaaciyay in Xildhibaan Cabdullaahi uu dib u soo celiyey gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan uu heystay Xildhibaanka.

Sidoo kale Qoraalka Agaasime Cali Maxamed ayaa waxaa lagu caddeeyay in gacanta Wasaaradda lasoo geliyay gaarigaas, isla markaana markii lagu diiwaan-geliyay Cabdullaahi Faarax.

Xildhibaan Wehliye ayaa mar u tartamay xilka Madaxweynaha Galmudug, hayeeshee markii la gaaray aakhirkii diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee Doorashada ayuu shaaciyay inuu ka tanaasulay tartanka Doorashada.

Hanti dhowraha Qaranka ayaa xalay ku amrau Wasiiro horey uga tirsnaa Xukuumaddii Kheyre, kuwo xiligaan xilal haaya iyo Xildhibaano inay dib usoo celiyaan gaadiid kala duwan oo ay leedahay dowladda, isla markaana ay heystaan.

Hoos ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda.

SOMALI NEWS

To Top